Man City oo barbaro la dhaafi weysay kooxda West Bromwich oo marti ugu aheyd garoonka Etihad

0
58

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester City ayaa barbaro la dhaafi weysay kooxda West Bromwich oo marti ugu aheyd garoonka Etihad, kaddib markii ay ku kala baxeen 1-1, kula qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybtii hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay barbardhac 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Manchester City iyo West Bromwich Albion.

Daqiiqadii 30-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga reer Germany ee Ilkay Guendogan, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Raheem Sterling.

43 marka ay ciyaarta ahayd kooxda West Bromwich Albion ayaa heshay goolka barbardhaca, kaddib markii uu gool iska dhaliyay xiddiga naadiga Man City ee Ruben Dias, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 1-1.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay barbardhac 1-1ah ay ku kala baxeen labada kooxood Manchester City iyo West Bromwich Albion, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Etihad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here