Arsenal oo barbaro la dhaafi weysay kooxda Southampton

0
41

Baladweyne (Radio Beerlula)-Arsenal ayaa barbaro la dhaafi weysay kooxda Southampton oo marti ugu aheyd garoonka Emirates, kaddib markii ay ku kala baxeen 1-1, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Southampton.

Daqiiqadii 18-aad kooxda Southampton ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Theo Walcott, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Che Adams.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 52-aad kooxda Arsenal ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Pierre-Emerick Aubameyang, xilli uu goolkan ka caawiyay Edward Nketiah.

Ugu dambeyntii dheesha ayaa ku soo dhamaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Arsenal iyo Southampton, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Emirates.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here