Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou guul kaga gaartay kooxda Real Sociedad

0
36

Baladweyne (Radio Beerlula)-Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou guul kaga gaartay kooxda Real Sociedad, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 27-aad kooxda Real Sociedad ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Willian Jose, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Cristian Portu.

Laakiin daqiiqadii 31-aad Barcelona ayaa dhalisay goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay xiddiga reer Spain ee Jordi Alba.

43 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, kaddib markii uu 2-1 ka dhigay xiddiga reer Holland ee Frenkie de Jong.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaaray 2-1 ay Barcelona guul kaga gaartay kooxda Real Sociedad, oo marti ugu aheyd garoonka caalamiga ah ee Camp Nou.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here