Isku aadka afar dhammaadka Supercopa de España oo la sameeyey

0
51

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxaa goordhow la sameeyey isku aadka afar dhammaadka Supercopa de España, waxaana Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona lagu kala beegay labo kooxood oo kala duwan.

Barcelona ayaa lagu aadiyey Real Sociedad semi-finalka Supercopa de España, halka Real Madrid lagu beegay Athletic Bilbao.

Kulammada waxaa la ciyaari doonaa 13-ka iyo 14-ka Janaayo, kaddibna guuleystayaasha ayaa ciyaari doona Final-ka 17-ka Janaayo.

Saddexda garoon ee kulammadan loo adeegsan doono ayaa waxa ay kala yihiin: the Estadio Nuevo Arcangel ee Magaalada Cordoba oo lagu ciyaari doono kulanka Real Sociedad vs Barcelona, garoonka La Rosaleda ee Magaalada Malaga oo isna marti gelin doona kulanka Real Madrid vs Athletic iyo garoonka The Estadio de la Cartuja ee Magaalada Seville oo marti gelin doono Final-ka.

Isku aadka afar dhammaadka Supercopa de España oo dhammaystiran:-

Real Sociedad vs Barcelona

Real Madrid vs Athletic Bilbao

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here