Juventus Oo Qaaday Talaabo Ay Ku Doonayso Saxiixa Paul Pogba.

0
45

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo Rasmi ah la bilowday wakiilka xiddiga Paul Pogba ee Mino Raiola si ay u helaan xiddiga Man United.

Raiola ayaa dhawaan sheegay in wakhtigii Pogba ee Man United soo dhamaaday waliba isaga tagi doono kooxda Marka uu furmo suuqa kala iibsigu.

Kadib hadalkaas kooxda Juventus ayaa si Rasmi ah wadahadalo ula furtay wakiilka Pogba si ay u helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ay Juventus doonayso in ay Pogba ku helo heshiis amaah ah oo laba sano ah ka hor inta ayna si toos ah ula wareegin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here