Liverpool oo la wareegtay hoggaanka Premier

0
34

Baladweyne (Radio Beerlula)-Liverpool ayaa la wareegtay hoggaanka Premier League kaddib markii ay ku garaacday kooxda Tottenham Hotspur 2-1, xilli ciyaartay ay qeyb ka aheyd kulamada toddobaadnkan ee horyaalka Ingiriiska.

Qeybta hore ee kulanka adag Liverpool iyo Tottenham Hotspur ayaa lagu kala nastay barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 26-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga reer Massar ee Mohamed Salah.

Laakiin daqiiqadii 33-aad kooxda Tottenham Hotspur ayaa dhalisay goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Heung-Min Son, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Giovani Lo Celso.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 2-1 ka dhigay Roberto Firmino, xilli uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Andrew Robertson.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay Liverpool kaga adkaatay kooxda Tottenham Hotspur oo marti ugu aheyd garoonka Anfield, xilli Reds ay la wareegtay hoggaanka Premier League, kaddib markii ay uruursatay 28, Spurs oo leh 25 dhibcood ayaa fadhisa kaalinta labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here