Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska oo dacwad ku soo oogay Edinson Cavani

0
44

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ee FA-ga ayaa dacwad ku soo oogay Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Edinson Cavani.

Cavani ayaa wajihi kara ganaax saddex kulan ah kaddib markii uu bartiisa Instagram-ka uu u adeegsaday erayo cunsuriyad ay ka muuqatay, isagoo isticmaalay ereyga “negrito”.

Cavani ayaa ka jawaabayay hadal ka soo yeeray mid ka mid ah taageerayaashiisa, laakiin jawaabtiisa waxaa lagu xukumay inay tahay aflagaado ama wax aan habboonayn iyo inay tahay mid ciyaarta u keentay sumcad darro.

Hay’adda maamusha ciyaaraha Ingriiska ayaa sidoo kale eedeynaysa “in faallooyinka ay ka dhigan yihiin xad gudub daran, kaasoo ay ku jiraan hayb sooc, ha ahaado mid cad ama mid maldahan, midabka ama jinsiyadda.

Haddii lagu helo dambigaas ama eedeynta loo soo jeediyey, Cavani wuxuu lagu qaban karaa ganaax saddex kulan ah.

Xiddiga reer Uruguay ayaa faallo ka bixiyay kaddib markii kooxdiisa Manchester United ay 3-2 kaga badisay Southampton 29-kii November, markaasoo uu laacibkani labo gool dhaliyay.

Cavani ayaa tirtiray sawirka iyo qoraalkii uu soo dhigay, wuxuuna daabacay raali-gelin, laakiin FA-gu waxay sii wadeen baaritaankooda, haatanna 33-sano jirkaan ayaa waqti ku qaadan kara bannaanka garoonka.

Waxa uu haystaa Cavani illaa 04 bisha Janaayo si uu kaga jawaabo eedeymaha dhaqan xumadaha ah ee loo soo jeediyey.

Man United ayaa difaacday ciyaartoydeeda, iyadoo sheegtay inaysan jirin “ujeedo xun”, isla markaana ay “ka go’an tahay la dagaallanka midabtakoorka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here