Baladweyne (Radio Beerlula)- Xifaaltankii labadan kooxood u dhexeyn jiray ayaa caawa ka bilaabanaya garoonka Old Trafford, iyadoo Manchester United ay soo dhoweyn doonto Leeds United.
Kulankan oo ka dhacaya garoonka Old Trafford, waa kii ugu horreeyey ee horyaalka ah oo labadan kooxood dhexmara tan iyo bishii Febraayo ee sanadkii 2004.
Marti-geliyeyaasha ayaa haatan fadhiya kaalinta lixaad ee kala horreynta Premier League, waxaana ay gacanta ku haystaan kualn baaqi u ah, halka Leeds United ay guul weyn ka gaartay Newcastle United kulankii ugu dambeeyay.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Taariikhda: Axad 20 Dis 2020
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 07:30 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Old Trafford
Garsooraha: Anthony Taylor (England)