Manchester City oo guul ka soo gaartay kooxda Southampton oo ay ku booqatay St Mary, xilli Sterling uu shabaqa soo taabtay

0
58

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa guul ka soo gaartay naadiga Southampton oo ay boostay kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Manchester City ayaa goolka la horreysay, waxaana baas uu dadabka ka soo dhigay Kevin De Bruyne 16’daqiiqo dhammaystiray oo shabaqa gaarsiiyey Raheem Sterling, waxaana lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaaminaysay ciyaarta Tababare Pep Guardiola kooxdiisa.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay waxba iskama bedelin dheesha, waxaana kulanku ku soo dhammaaday 1-0 ay ku adkaatay kooxda martida ahayd ee Manchester City.

Kooxda uu hoggaamiyo Tababare Pep Guaridola ayaa haatan waxa ay fadhisaa kaalinta 5-aad iyadoo leh 23-dhibcood kaddib guushaan ay ka heshay Southampton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here