Tartanka maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ka furmay Muqdisho

0
58

Baladweyne (Radio Beerlula)-Garoonka Eng Yariisow oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqidsho ayaa galabta laga daahfuray tartanka maamul Goboleedka iyo gobolka Banaadir oo galabta ay ciyaareena xulalka Banaadir iyo Galmudug

Kulankan ayaa kusoo dhamaaday bareejo 2-2 ah taasi oo micneheedu yahay in labada kooxood ay qeeybsadeen dhibcaha

Tartanka maamul goboleedka ayaa in la qabto waxaa ugu dambeysay sanadkii 2017-kii, xilligaas uu ku guuleysatay xulka Jubbaland.

Caadiyan tartankan waxaa ka qeyb qaata shan maamul goboleed iyo gobolka Banadir, kuwaas oo kala ah Hirshabeelle, Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Gobolka Banaadir.

Tartankan xilligii burburka ka hor waxaa loo tartami jiray 18 gobol oo dalka ah, waxaa gobollada isku reereebi-jireen sida ay daris u yihiin, si ugu dambeyntii tii awood badan koobka u ciyaarto.

Taariikh ahaan, gobollo waxaa jirta koobka qaadistiisa ku caan baxay, kuwoo aan weligood qaadin iyo gobollo aanba weligood iman koobka.

Burburkii ka Hor: Gobolka Jubbada hoose waxaa uu qaaday 8 jeer, Shabeellada hoose 3 jeer, Shabeellada dhexe 3 jeer, Waqooyi galbeed iyo Banaadir mid hal jeer.

Burburkii Kaddib: 2010-kii markii dib loo bilaabay, tartan lagu qabtay Garoowe waxaa ku guuleystay gobolka Banaadir, halka tartankii kale ee xigay ku guuleysteen ciyaar-toydii ka socotay Puntland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here