Man United oo guul ka gaartay Leeds United

0
50

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Leeds United, kaddib markii ay kaga adkaatay 6-2, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 4-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester United.

Daqiiqadii 2-aad kooxda Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Scott McTominay, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Bruno Fernandes.

3 daqiiqo marka ay dheesho ahayd Scott McTominay ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester United, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Anthony Martial.

Bruno Fernandes ayaa daqiiqadii 20-aad hoggaanka u dheereeyay kooxdiisa Manchester United, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0 ay ku hoggaamineysay United-ka.

Daqiiqadii 37-aad Victor Nilsson Lindeloef ayaa dheesha ka dhigay 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxdiisa Manchester United, xilli uu caawinta goolkan lahaa Anthony Martial.

42 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Leeds United ayaa dhalisay gool, waxaana 4-1 ka dhigay dheesha xiddigooda Liam Cooper, saaxiibkiis Raphinha ayaana goolkan ka caawiyay.

Daqiiqadii 66-aad Daniel James ayaa ka dhigay ciyaarta 5-1 kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Scott McTominay.

70 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Manchester United ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 6-1.

Daqiiqadii 73-aad Leeds United ayaa dhalisay gool, kaddib markii uu dheesha ka dhigay 6-2, xiddigooda Stuart Dallas, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Raphinha.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 6-2 ay Manchester United kaga adkaatay kooxda Leeds United oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford, Red Devils ayaa haatan booska saddexaad ka soo fariisatay dhanka miiska kala sareynta ee horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here