Real Madrid oo saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Eibar oo ay booqatay

0
47

Real Madrid ayaa saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Eibar oo ay ku booqatay garoonkeeda Municipal de Ipurua, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka La Liga.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Real Madrid.

Daqiiadii 6-aad kooxda Real Madid ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Karim Benzema, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Rodrygo.

13 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Luka Modric ayaa dheesha ka dhigay 0-2, kaddib markii uu baas qurux badan ka helay weeraryahanka reer France ee Karim Benzema.

28 daqiiqo maka ay dheesha aheyd kooxda martida loo ahaa ee Eibar ayaa dhalisay gool, waxaana 1-2 ka dhigay xiddigooda Kike, kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Kevin Rodrigues.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90-aad Real Madrid ayaa sii dheereysatay hoggaaminta dheesha, kaddib markii uu 1-3 ka dhigay xiddigooda reer Spain ee Lucas Vazquez, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Karim Benzema.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-3 oo ay Real Madrid kaga soo adkaatay kooxda Eibar oo ay ku booqatay garoonkeeda Municipal de Ipurua, Los Blancos ayaana booska labaad ka soo fariisatay dhanka miiska kala sareynta horyaalka La Liga, waxayna min 29 dhibcood wadaagaan Naadiga Atletico Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here