Chelsea oo garoonkeeda Stamford Bridge guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda West Ham

0
36

Baladweyne (Radio Beerlula)-Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda West Ham, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Daqiiqadii 10-aad kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay daafacooda Thiago Silva, kaddib markii uu ka faa’ideystay kubad gees ka laad ah uu soo tuuray Mason Mount.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 78-aad kooxda Chelsea ayaa dhalisay gool labaad, waxaana 2-0 ka dhigay Tammy Abraham, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Timo Werner.

80 daqiiqo marka ay dheeshu mareysay Blues ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta, waxaana markale 3-0 ka dhigay Tammy Abraham.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-0 oo ay Chelsea kaga adkaatay kooxda West Ham United oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge, Blues ayaa haatan fadhisa booska 5-aad ee dhanka miiska kala sareynta horyaalka Ingiriiska.

SAWIRRO:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here