Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Arsenal ayaa caawa soo dhawaynaysa dhigeeda Manchester City kulan muhiim ah oo ka tirsan wareega siddeed dhammaadka ee Carabao Cup xilli Sky Blues ay saddexdii jeer ee ugu dambeeyay soo hanteen koobka.
Markale ardayga ayaa la kulmaya macalinka, Mikel Arteta oo uu cadaadis ba’ani ku saaran yahay Emirates Stadium ayaa isku dayaya inuu guul uu ka gaadho Guardiola iskaga kala yareeyo dhibka.
Maanta ayaa ku beegan hal sano iyo laba maalmood kaddib markii uu Arteta dhinaca Arsenal kaga biiray Man City, guuldarro uu kala kulmo kooxdiisii hore ayaa ka dhignaan karta in xukunkiisu uusan sii waari doonin.
XOGTA KULANKA
Tartanka: Carabao Cup
Garoonka: Emirates Stadium
Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa