Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxaha ka wada dhisan Magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska ayaa xiriir toos ah la sameeyey difaac ka tirsan Bayern Munich, kaasoo sidoo kale ay xiiseynayso Real Madrid.
Man City iyo Man United ayaa si toos ah ula xiriiray daafaca waqtigiisa Jarmalka uu sii dhammaanayo ee Alaba.
Jariiradda AS ee dalka Spain ayaa warinaysa in labada Kooxood ee Manchester CIty iyo Man Uited ay la hadleen Pini Zahavi oo ah wakiilka daafaca Bayern Munich ee David Alaba.
Real Madrid ayaa sidoo kale la la xiriirinayaa xiddiga reer Austria ee Alaba, waxaana xusid mudan in qandaraaskiisa haatan ku eg yahay bisha June ee soo aaddan.
Madaxa Bayern Munich ee Karl-Heinz Rummenigge ayaa aqbalay inuu xiddigani bilaash ku baxo marka uu heshiiskiisu dhammaado xagaaga.