Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda kubadda cagta Hirshabelle ee Koobka Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaasi oo ka socda garoonka eng-yariisoow ee degmada C/casiis
Qeybta hore ee kulankan ayaa ku dhamaaday gool kulaad uu dhaliyay Ayuub Maxamed taasi oo sahashay ineey 1-0 hogaanka ku qabtaan xulka kubadda cagta gobolka Banaadir
Qeybta labaad ee ciyaarta xulka kubadda cagta Hirshabelle ayaa dadaallo sameeyay balse ma suura galin ineey iska soo gudaan goolkaas si ay u helaan ugu yaraan hal dhibic
Kooxda Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir ayaa kulankii hore bareejo 2-2 ah soo gashay waxaana kulankaan u ku soo aaday iyagoo maanka ku haya ineey ku dhawyihiin ineey isaga haraan tartankan hadii ay guuldaro la kulmaan balse dadaal badan kadib waxeey u gudbeen afar dhamaadka tartankan
Xulka Hirshabelle ayaa kulanka xiga la ciyaari doona ciyaartooyda Galmudug kulankaas oo muhiim u ah ineey Hirshabelle guul soo gaaraan