Barcelona oo guul ay u qalantay ka soo heshay kooxda Real Valladolid oo ay booqatay

0
37

Baladweyne (Radio Beerlula)-Barcelona ayaa saddexda dhibcood kaga soo heshay kooxda Real Valladolid oo ay ku booqatay garoonka Estadio Jose Zorrilla, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysa kooxda martida aheyd ee Barcelona.

Daqiiqadii 21-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Clement Lenglet, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Lionel Messi.

36 daqiiqo markii ay ciyaartu mareysay Barcelona ayaa dhalisay goolkeedii labaad ee dheesha, kaddib markii uu 0-2 ka dhigay Martin Braithwaite, waxaana caawinta goolkan loo diiwaan galiyay Sergino Dest.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 65-aad Barcelona ayaa sii dheereysaysatay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu 0-3 ka dhigay Lionel Messi, waxaana goolkan si cajiib ah kaga caawiyay Pedri.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-3 oo ay Barcelona kaga soo adkaatay kooxda Real Valladolid oo ay ku booqatay Estadio Jose Zorrilla, Barca ayaa wali fadhida booska Shanaad ee miiska kala sareynta horyaalka La Liga, kaddib markii ay uruursatay 24 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here