Man City oo u gudubtay Afar dhammaadka tartanka Carabao Cup

0
55

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kulankii Siddeed dhamaadka Carabao Cup ee u dhexeeyay kooxaha Arsenal iyo Manchester City ayaa ku soo idlaaday 1-4 ay ku adkaadeen wiilasha Pep Guardiola, Sky Blue ayaana sidaas ugu gudubtay Afar dhammaadka tartankan.

Qeybta hore ee dheesha ayaa labada kooxood Arsenal iyo Manchester City waxay ku kala nasteen barbardhac 1-1ah.

Daqiiqadii 3-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Gabriel Jesus, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Oleksandr Zinchenko.

32 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda martida loo ahaa ee Arsenal ayaa dhalisay goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Alexandre Lacazette, iyadoo caawinta goolkan uu lahaa Gabriel Martinelli.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 55-aad Manchester City ayaa markale hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-2 ka dhigay Riyad Mahrez.

59 daqiiqo Phil Foden ayaa hoggaanka u sii dheereeyay kooxda Manchester City, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-3, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Fernandinho.

Daqiiqadii 73-aad Aymeric Laporte ayaa si toos ah u niyadjabiyay taageerayaasha kooxda Arsenal, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-4, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay Phil Foden.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-4 oo ay Manchester City kaga soo adkaatay kooxda Arsenal oo ku sugneyd garoonkeeda Emirates, Pep Guardiola iyo wiilashiisa ayaana u gudbay wareega afar dhammaadka ee tartanka Carabao Cup-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here