Xulalka Kubadda Cagta Jubaland iyo Puntland oo barejo ku kala baxay kulan ka tirsan Koobka Maamul goboleedyada Dalka.

0
68

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxaha Kubadda Cagta Jubbaland iyo Puntland ayaa galabta dhibcaha kukala qeybsaday garoonka eng-yariisoow ee degmada C/casiis Koobka Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir xili wiilasha Jubbaland ay ciyaareen kulan weerar ku dhisan maadama ay maanka ku hayeen ineey isaga hari karaan tartanka.

Qeybta hore ee kulankan ayaa ku dhamaaday bareejo gool la’aan ah iyagoo sameeyay labada dhinac fursado goolal loo filan karay .

Labada kooxood ayaa qeeybta labaad soo galay iyagoo doonaya ineey ciyaarta wax ka badalaan balse ugu danbeeyn waxaa uu kusoo idlaaday kulanka bareejo 0-0.

Xulka kubadda cagta Jubbaland ayaa qarka u saran ineey isaga haraan tartankaan iyagoo rajo ka qaba in kulanka Puntland ay la ciyaareeyso guul weyn ay gaarto Koonfur Galbeed taasi oo fursad weyn sii karta ciyaartooyda iyo taageerayaasha Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here