Xulka Hirshabelle oo ka haray tartanka kubaadda cagta maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir

0
45

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kulanka ka tirsan tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa galabta foodda is daray xulalka kubadda Cagta Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle kaasi oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow.

Cayaarta oo ay u soo daawasho tageen dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, isla markaana kala taageerayay labada Xul ee Galmudug iyo Hirshabeelle isla markaana sitay hal ku dhigyo ayaa muujiyay sida ay u taageersanyihiin tartamada nuucaani oo kale ah oo la xiriirta isdhexgalka bulshada.

Labada xul ayaa soo bandhigay cayaar aad u xiisa badneyd oo ay ku qanceen dhamaan dadkii u soo daawasho tagey garoonka, waxaana cayaarta qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay la yimaadeen Xulka kubadda cagta ee Hirshabeelle.

Qeybtii labaad ee cayaarta ayaa labada dhinac waxa ay muujiyeen dadaal aad u badan balse  xidigaha kubada cagta Galmudug ayaa waxay muujiyeen is ku dayo badan oo ay ku abuureen fursado markii danbe ay ku dhaliyeen goolkoodii 1aad ee ciyaarta , ciyaarta ayaana ku dhamaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday xidigaha kudhada cagta Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here