Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda xafidanaysa horyaalka ayaa indhaha ku haysa inay sii joogteyso hoggaanka horyaalka Premier League, marka ay caawa garoonkooda Anfield ku soo dhoweynayaan naadiga West Bromwich Albion.
The Reds ayaa labo dhibcood oo qura ka sarreysa kooxda Everton, kaddib markii ay kulankoodii ugu dambeeyey 7-0 ku dhufteen Crystal Palace.
Yeelkeede, Kooxda caawa booqanaysa Anfield ee West Brom ayaa ku jirta kaalinta 19-aad ee kaalimaha loogu laabto heerka labaad ee Ingiriiska.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 7:30 Fiidnimo xilliga geeska Afrika
Garoonka: Anfield
Garsooraha: Kevin Friend (England)