Xulka kubadda cagta Galmudug oo u gudbay Fiinaalka tartanka Maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir

0
38

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xulka kubadda cagta Puntland ayaa isaga haray tartanka Maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir kadib markii guul daro 2-1 ah ay kala kulmeen xulka kubadda cagta Galmudug oo u gudbay finaalka tartankan.

3 Daqiiqo oo qura ciyaarta oo socota Xulka Galmudug ayaa helay gool kooda 1 aad waxaana 1-0 ka dhigay Maxamed Maxamuud.

Qeeybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bareejo 1-1- ah oo ay labada kooxood isla dhaafi waayeen.

Balse Xulka kubadda cagta Puntland ayaa durba soo ceshtay goolkaas kadib markii uu 1-1 ka dhigay Cabdi Qani Axmed oo oo ka faa,ideystay fursad uu helay daqiiqadii 6 aad qeybta hore ee ciyaarta ayaana sidaasi ku dhamaatay.

Qeeybta danbe ee ciyaarta labada kooxood ayaa ku soo galay dardar xoogan balse daqiiqadii 59 aad wiilasha Xulka Galmudug ayaa helay gool kale waxaana 2-1 ka dhigay mar kale Maxamed Maxamuud kaasi oo kooxdiisa fursad u siiyay ineey u gudbaan finaalka tartankaan.

Xulka Galmudug ayaa finaalka la ciyaari doona kooxdii soo baxdaa xulalka Banaadir iyo Koonfur galbeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here