Baladweyne (Radio Beerlula)-Xulka kubadda cagta koonfur galbeed ayaa isaga haray tartanka Maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir kadib markii guul daro 3-1 ah ay kala kulmeen xulka kubadda cagta gobolka Banadir oo finaalka tartankan la ciyaari doona Xulka Galmudug .
Daqiiqadii 41 aad Xulka Gobolka Banaadir ayaa helay gool kooda 1 aad waxaana 1-0 ka dhigay Nageeye
Qeeybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0- iyadoo labada kooxood ay sameeyeen fursado goolal loo filan karan .
Qeeybta danbe ee ciyaarta labada kooxood ayaa ku soo galay dardar xoogan balse daqiiqadii 58 aad wiilasha Xulka Banaadir ayaa helay gool kale waxaana 2-0 ka dhigay Ibraahim .
Daqiiqadii 63 aad Xulka Koonfurgalbeed ayaa helay goolkooda 1 aad kadib isbadal uu ku sameeyay tababaraha ciyaartooyda xulkiisa waxaana 2-1 ka dhigay Xidiga lagu magacaabo Maxamuud.
Ciyaartooyda Xulka Koonfur Galmeed ayaa la quusiyay daqiiqadii 80 aad kadib markii uu laacibka xulka gobolka Banaadir Idiris ciyaarta ka dhigay 3-1
Xulka Koonfur Galmeed ayaa sidaasi isaga haray tartanka Maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir kadib markii guul daro 3-1 ah ay kala kulmeen xulka kubadda cagta Banadir.