Lionel Messi Oo Kashifay Horyaalka Uu Doonayo In Uu Ku Biiro

0
43

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa sheegay in uu doonayo in uu ku biiro horyaalka Dalka America hadii uu ka tago Barcelona.

Heshiiska Lionel Messi ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan taas oo la macno ah in uu xur u yahay in uu wadahadalo la qaadan karo kooxaha reer yurub.

Laakiin Xilli uu waraysi siiyay Tv-ga La Sexta, Messi ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay kooxda Barcelona iyo ka ciyaarista Camp Nou.

Sida uu wargayska AS sheegay Messi ayaa meesha ka saaray in uu qorshaynayo in uu isaga tago kooxda isaga oo yidhi “Waxa aan jeclaan lahaa in aan ka ciyaaro horyaalka America waliba aan dareemo khibrada iyo nolosha horyaalka laakiin aan ku soo laabto Barcelona”.

“Qorshahaygu waa in aan wax walba siiyo kooxda”.

“wax fudud ma ahayn in aad sheego in aan doonayo in aan isaga tago kooxda iyo magaalada laakiin waxa aan dareemay in ay gaadhay wakhtigii aan tagi lahaa”ayuu Messi yidhi.

“Waxa aan dareemay in aan dhamaystiray giraanta oo ay gaadhay wakhtigii aan tagi lahaa kooxda aan wax walba u qabtay”.

“Waxa aan doonayay in aan ku guulaysto koobab una tartamo champions League waxana aan dareemay in ay gaadhay wakhtigii is badalka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here