Arsenal oo guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Brighton

0
37

Baladweyne (Radio Beerlula)-Arsenal ayaa guul ka soo heshay kooxda Brighton & Hove Albion oo ay ku booqatay garoonka The American Express Community, kaddib markii ay kaga soo adkaadeen 0-1, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Ingiriiska.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 66-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Alexandre Lacazette, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Bukayo Saka.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-1 ay Arsenal kaga soo adkaatay kooxda Brighton & Hove Albion, kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo ay ku wada ciyaareen garoonka The American Express Community, Gunners ayaa haatan fadhida booska 13-aad ee dhanka miiska kala sarreynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here