Ciyaartooyda Gobolka Banaadir oo ku guuleeystay tartanka kubadda cagta maamul goboleedyada

0
42

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xulka kubadda cagta gobolka Banaadir ayaa ku guulaystay koobka maamul goboleedyada iyagoo rigoora yaal uga adkaaday xulka kubadda cagta Galmudug Xulka Gobolka Banaadir ayaa si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo daqiiqadii 1-aad gool u dhaliyay xiddiga Nageeye deeq kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Kadib dadaal ay sameeyeen wiilasha Galmudug ayaa daqiiqadii 16-aad dhaliyay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Sahal Cabdi faarax kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada xul soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah una qalmeen natiijo fiican.

Xulka Gobolka Banaadir ayaa qaybtii dambe si dar-dar leh ku bilowday waxaana Daqiiqadii 51-aad xulka Gobolka Banaadir u dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta Nageeye Deeq kaas oo mar kale hogaanka u dhiibay gobolkiisa.

Xulka Gobolka Banaadir ayaa helay fursad ay ku dheeraysan karaan hogaanka daqiiqadii 75-aad kadib markii rikoodhe loo dhigay xulkooda laakiin xulka Gobolka Banaadir ayaa iska khasaarisay fursadaas.

Daqiiqadii 87-aad ayay kooxda Galmudug dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Muxudin jamaal cumar kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-2.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii dambe ee ciyaarta waxana ay labada kooxood isla aadeen rikoodhayaal si loogu kala boxo koobka.

Waxa si Rasmi ah koobka ugu guulaystay xulka Gobolka Banaadir oo dhaliyay 3 rigoore halka xulka Galmudug laga qabtay 3-doodii rigoore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here