Kooxaha Elche iyo Real Madrid oo dhibcaha ku qeybsaday Estadio Martinez Valero

0
22

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxaha Elche iyo Real Madrid ayaa dhibcaha ku qeybsaday Estadio Martinez Valero, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kullamada horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Real Madrid.

Daqiiqadii 20-aad Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda qadka dhexe ee Luka Modric.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 52-aad kooxda Elche ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Fidel Chaves, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay barbardhac 1-1 ah.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbardhac 1-1 ah oo ay ku kala baxeen kooxaha Elche iyo Real Madrid, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen Estadio Martinez Valero.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here