Xulalka Banadir iyo Galmudug oo galabta ciyaaraya kulan kama dambeys ah

0
52

Baladweyne (Radio Beerlula)-Finalka  tartanka maamul goboleedyada ee ka socday Muqdisho ayaa waxaa galabta isku arki doona  Banadir iyo G\Galmudug waana kulan ay adag tahay in la saadaaliyo .

Gobalka Banadir ayaa bilaabay abaabul dhanka taageeriyaasha oo uusan sameeyn jirin kulamadii hore , kadib markii Guddoomiyaha Gobalka Benadir Omar Finsh oo amray in garoonka la iskugu keeno dhamaan taageeriyaasha Gobalka Banadir ee  ku sugan muqdisho.

Waa Markii ugu horeeysey ee Galmudug soo gaaraan heerkaan tartankaan ,waxayna rabaan inay qaadaan markooda koowaad , maadaaama ay waqti badan geliyeen.

Xulka Galmudug wuxuu ku fiican yahay sanadkaan dhanka gooldhalinta tartanka , waxaana ay dhaliyeen goolal badan , sidoo kale waa xul u diyaarsan kubaddaha weerarka ama Countre Attack.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here