Liverpool oo barbaro la dhaafi weysay Newcastle United

0
41

Baladweyne (Radio Beerlula)-Liverpool oo barbaro la dhaafi weysay Newcastle United oo ay ku booqatay garoonka St James’ Park, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 0-0 ah, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada horyaalka Ingiriiska.

Qeybta hore ayey labada kooxood Newcastle United iyo Liverpool ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbardhac 0-0 ah oo ay ku kala baxeen kooxaha Newcastle United iyo Liverpool, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka St James’ Park.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here