Kooxda Arsenal oo Tottenham kula tartamaysa saxiixa xiddig ka ciyaara horyaalka Bundesliga

0
38

Baladweyne (Radio Beerlula)- Arsenal ayaa la soo warinayaa in kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee Tottenham ay kula tartamayso saxiixa xiddig ka dheela hroyaalka Bundesliga dalka Jarmalka.

Shabakadda ciyaaraha ee ESPN ayaa la soo warinayaa in Arsenal ay diyaar u tahay inay kula dagaalanto kooxda ay ku xafiiltamaan Waqooyiga London ee Tottenham saxiixa Marcel Sabitzer.

Kubbad sameeyahan ka tirsan kooxda RB Leipzig ayaa soo jiitay inta badan xiisaha kooxaha reer Yurub, waxaana la sheegayaa inuu ku qiimeysan yahay adduun lacageed dhan 45 milyan oo gini oo u dhiganta 61 milyan oo dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here