Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos oo seegi doona kulanka ugu horreeya Kooxdiisa ee sanadka 2021-ka

0
45

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sergio Ramos ayaa seegi doona kulanka ugu horreeya sanadka 2021 oo ay kooxdiisa Real Madrid caawa ciyaari doonto, maxaa yeelay Kabtanka ayaa la dhibtoonaya xanuun dhanka caloosha ah.

Laguma darin liiska kooxdiisa ee xiddigaha kulankan kaga qeyb galakya, taasoo la micno ah in Nacho uu yahay dooqa ugu macquulsan ee difaaca dhexe kula wehelinaya Raphael Varane.

Nacho ayaa ku ciyaaray heer sare markii Ramos uu maqnaa saddex isbuuc horraantii xilli ciyaareedkaan, tani weli waxa ay dharbaaxo ku tahay Zidane, maadaama Celta Vigo ay ku jirto qaab ciyaareed aad u wanaagsan oo ay ku hoos sameynayso tababaraheeda cusub ee Eduardo Coudet.

Maqnaanshaha kale ee Tababare Zinedine Zidane haysata waa Rodrygo oo ku maqan dhaawac muddo dheer ah.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Kooxda Real Madrid uga qeyb galaya kulanka caawa ee Celta Vigo:-

Goolhayeyaasha: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.

Daafacyada: Dani Carvajal, Alvaro Odriozola, Raphael Varane, Nacho, Eder Militao, Ferland Mendy, Marcelo.

Khadka dhexe: Casemiro, Luka Modric, Toni Kroos, Fede Valverde, Martin Odegaard, Isco.

Weerarka: Karim Benzema, Marco Asensio, Eden Hazard, Lucas Vazquez, Vinicius, Luka Jovic, Mariano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here