Arsenal oo guul raaxo leh ka soo heshay kooxda West Bromwich oo ay booqatay

0
43

Baladweyne (Radio Beerlula)-Arsenal ayaa guul raaxo leh ka soo heshay kooxda West Bromwich oo ay ku booqatay garoonkeeda The Hawthorns, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-4, ciyaartan ayaana qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hor kaceysay kooxda reer London ee Arsenal.

Daqiiqadii 23-aad Gunners ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, waxaana 0-1 ka dhigay Kieran Tierney, iyadoo caawinta goolkan uu lahaa Rob Holding.

28 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Arsenal ayaa la timid goolkeeda labaad ee dheesha kaddib markii uu 0-2 ka dhigay da’ayarkooda Bukayo Saka, waxaana goolkan ka caawiyay Emile Smith-Rowe.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 60-aad Alexandre Lacazette ayaa u sii dheereeyay hoggaanka ciyaarta kooxdiisa Arsenal, wuxuuna dheesha ka dhigay 0-3.

64 daqiiqo markale Alexandre Lacazette ayaa niyadjabiyay xiddigaha kooxda West Bromwich, kaddib markii uu dheesha ka dhigay 0-4, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Kieran Tierney.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-4 oo ay Arsenal kaga soo adkaatay kooxda West Bromwich Albion oo ay ku booqatay garoonkeeda The Hawthorns, Gunners ayaa hadda fadhida booska 11-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here