Jaamacaddaha Plasma iyo Baladweyne oo galabta bareejo ku galay garoonka Laqanayo

0
37

Baladweyne (Radio Beerlula)- Xulalka Plasma iyo Baladweyn ayaa ciyaaray kulan ka tirsan kulamada Tartanka kubadda cagta jaamacadaha Baladweyne oo ka socda Garoonka Laqanyo .

Qeeybta hore kulankan ayaa ku dhamaday bareejo 1-1- iyadoo labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar qurxoon .

Qeybta danbe ee ciyaarta ayey labada kooxood sameeyeen isku dayo badan oo goolal loo filan karay balse ugu danbeeyn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay bareejo gool iyo gool ah
Xulka kubadda cagta Palasma ayaa galaya kulankoodii labaad oo bareejo ah waxaana ay dhaliyeen goolkoodii 1 aad ee Tartankan maadamada kulankoodii ugu horeeyo bareejo gool la,aan ah ay la galeen xulka Jobkey .

Dhinaca kale ciyaartooyda Jaamacadda Baladweyne ayaa tartankan ku biloowday bareejo waana kulankoodii 1 aad oo ay ciyaaraan tartanka kubadda cagta jaamacadaha Baladweyne .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here