Jaamacaddaha Plasma iyo Baladweyne oo galabta ku hardamaya garoonka Laqanayo

0
67

Baladweyne(Radio Beerlula)- Garoonka kubadda cagta Laqanayo ee magaalada Baladweyne ayaa galabta lagu wadaa inay fooda isku daran kooxaha jaamacaddaha Baladweyne iyo Plasma.

Boqolaal shacab ah oo u badan dhalinyaro  ayaa maalmaha uu socdo tartanka u daawasho taga garoonka tartankan oo loogu talo galay is dhaxgalka bulshada iyo bahda waxbarashada.

kulankii koowaad oo arabacadii la soo dhaafay lagu daah furay  jaamacaddaha Plasma iyo Jobkey iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay bareejo 0-0 ah.

Maalintii shalay ayaa waxaa wada ciyaaray kooxaha jaamacaddaha Hiiraan iyo Green Hope iyadoo 1-0 ay ku badisay kooxda ka socotay jaamacadda Hiiraan.

Tartanka jamaacaddaha magaalada Baladweyne ayaa la ciyaara maalmaha Axada iyo isniinta todobaad kasta halka maalmaha kalana ay wax bartan dhalinyarada ka qeyb galeysa tartanka oo dhamaantood dhigta jamaacadaha Baladweyne.

Dhanka kale iskuullada Al Aqsa iyo Adult ayaa lagu wadaa maalinta arabacada inay wada ciyaaran sama finalka tartanka iskuullada Baladweyne iyadoo hadda Finalka ay fadhiso kooxda iskuulka Baladweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here