Tuugo guri jabsaday, kaddibna booliiska ugu yeeray

0
29

Baladweyne (Radio Beerlula)-Hayadda dambi baarista federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa ka digtay kooxo burcad ah oo jabsada hannaanka uu ku shaqeeyo qalabka kaamirooyinka guryaha kaddibna u yeera booliska iyagoo u sheegaya in ay tuugo halkaas ku jiraan si ay muuqaallo toos ah uga duubtaan weerarrada ciidanka soo gurmada.

Saraakiisha FBI-da ayaa sheegay in burcaddaas ay booliska kala hadlaan qalabka ay jabsadeen.

Muddooyinkan ayey soo bateen dhacdooyinka noocaas ah, iyadoo booliska iyo laamaha gurmadka degdegga ah lagu maadeystay marar badan.

Qolyahan ayey ujeeddadoodu tahay in ay baraha bulshada toos uga baahiyaan muuqaallo ay ka duubayaan laamaha amniga ee ka falcelinaya weerarrada guryaha loo diray lagu qaaday.

FBI-da ayaa falalkan ku tilmaantay kuwo “aad halis ah”.

Saddex sano ka hor ayey booliska toogasho ku dileen nin ku sugnaa gobolka Kansas kaddib markii laga wacay telefoon loogu sheegayay guri ay burcad ku jiraan, balse arrintaasi ay ahayd been abuur.

Waxaa jiray dhacdooyin kale oo noocaas ah balse aysan dhimasho ka imaanin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here