Dhaktar bukaanno uu daweeyay u sameeyay arrin lama filaan ah.

0
31

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dhakhtar u dhashay waddanka Mareykanka oo ku takhasusay daweynta cudurka kansarka ayaa iska cafiyay lacag ku dhow $650,000 oo doolar oo deyn ahaan loogu lahaa bukaanno ay tiradoodu gaareyso 200 oo ruux.

Tallaabadan ayuu dhakhtarku qaaday kaddib markii uu ogaaday in dadkaas ay caqabad ka heysato bixinta lacagta.

Dr Omar Atiq ayaa xaruntii daweynta kansarka oo ku taalla gobolka Arkansas albaabbada isugu dhuftay sanadkii lasoo dhaafay kaddib markii ay shaqeyneysay ku dhawaad 30 sano.

Wuxuu adeegsanayay shirkad deymaha soo aruurisa oo uu kala shaqeynayay in ay dib ugu soo celiso lacagta ka maqan, hase yeeshee wuxuu ogaaday in qoysas badan ay dhaqaale yaraan ba’an soo food saartay markii uu saameeyay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Dr Atiq, oo asal ahaan kasoo jeeda waddanka Pakistan, ayaa xarunta caafimaaka ka sameeyay gobolka Arkansas sanadkii 1991-kii, isagoo adeegyo iyo daweyn kala duwan u sameynayay dadka qaba cudurka dilaaga ah ee kansarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here