
Baladweyne(Radio Beerlula)- Ku simaha madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay ku howlan yahay sidii uu xilka ugu wareejin madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.
Donald Trump ayaa tilmaamay in madaxda dhawaan la doortay ee Mareykanka sida madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa la caleemo saari doono 20-ka bishan Janaayo.
Joe Biden ayaa bishii November sannadkii 2020-kii loo doortay madaxweynaha Mareykanka kadib markii uu ka guuleystay madaxweynaha hadda xilka haya Donald Trump.