Boqolaal ruux oo karoona ku soo ritay magaalada London

0
32

Baladweyne (Radio Beerlula)-Duqa magaalada London ee dalka Ingiriiska, Sadiq Khan ayaa sheegay in faafitaanka xanuunka COVID-19 ee magaalada uu faraha ka baxay xilligan.

Tirakoobyadii ugu dambeeyay ee ay soo saartay hay’adda caafimaadka ee dalkaas ayaa lagu sheegay in boqolkii kun ee qofiba kun ka mid ah uu haleelo xanuunka.

Khan ayaa sheegay in dad ka badan 7.000 oo ruux ay haatan jiifaan halkaasina lagaga dabiibayo xanuunka Koofid.
Adeegga gurmadka degdegga ee London ayuu sheegay in maalin walba ay helaan ilaa 8.000 oo wicitaan oo wicitaan xaalado degdeg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here