Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxaa la sameeyey isku aadka wareegga 32-ka kooxood ee Copa del Rey, iyadoo kooxaha waa weyn ay ku dheceen kooxaha horyaallada hoose.
Kooxda Cornella oo tartankan ka reebtay Atletico Madrid ayaa lagu beegay Barcelona, halka Real Madrid ay u safri doonto Alcoyano, taasoo la micno ah in labadan kooxood ee waa weyn ay wajahayaan kooxaha ka socda Segunda B.
Kulammada ayaa noqon doona min hal lug, waxaana wareegga 32-ka kooxood eetartankan la ciyaari doonaa 16-ka iyo 17-ka bisha Janaayo.
Haddaba halkaan hoose ka eeg isku aadka 32-ka kooxood ee Copa del Rey oo dhammaystiran:-
Cordoba vs Real Sociedad
Alcoyano vs Real Madrid
Ibiza vs Athletic Club
Cornella vs Barcelona
Tenerife vs Villarreal
Rayo Vallecano vs Elche
Fuenlabrada vs Levante
Espanyol vs Osasuna
Sporting Gijon vs Real Betis
Girona vs Cadiz
Alcorcon vs Valencia
Leganes vs Sevilla
Almería – Alavés
Malaga – Granada