Burburka Diyaaraddii Lagu La’aa Indonesia oo la Helay

0
32

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ciidamada booliska Indonesia ayaa goor dhaweyd shaaciyay in ay heleen burbur diyaaraddii tan iyo shalay lagu la’aa dalkaas.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in ay heleen meydadka dadka qaar ayna baaritaan ku hayaan sidii ay u kala saari lahaayeen haybtooda.

Diyaaradda ayaa la sheegay in ay saarnaayeen ilaa 62 ruux oo dhamaantood ahaa dad rayin ah.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in ay hayaan qaar ka mid ah alaabadii ay wateen dadkii saarnaa diyaaradda burburtay iyo sidoo kake meydad dadeed.

Jasiiradda uu baadigoobka ka socday 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa lagu baahiyay doomo biyaha hoos u quusa iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ka qeyb-qaadanayay howlaha baadigoobka.

Ehellada dadkii saarnaa diyaaradda ayaa dareemaya xanuun iyo murugo aad u weyn.

Shirkadda Sriwijaya Air oo ah shirkadda iska leh diyaaradda burburtay ayaa dhidibbada loo taagay 2003-dii waana shirkadda kaalinta saddexaad kaga jirta dhanka duullimaadyada dalka Indonesia iyada oo bishii ilaa hal milyan oo qof u kala daabusha gudaha dalkaas, sidoo kale waxay duullimaadyo caalami ah ku tagtaa dalalka Shiinaha, Malaysia iyo Singabuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here