COVID-19 oo Ku sii xoogeysanaya dalka Itoobiya

0
34

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasaaradda caafimaadka Dalka Itoobiya ayaa sheegtay in maalintii Jimcaha oo qudha ay diiwaangelisay 345 kiis oo cusub oo xanuunka COVID-19 ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tiradaas ay diiwaangelisay muudo ku siman 24 saacadood taas oo wadarta guud ee dadka qaba xanuunka ee dalkaas ka dhigaysa 127,572 oo qof.

Tirada dadka Xanuunka Korona ugu Geeriyooday ayaa iyana tiradooda lagu sheegay 1,974 qof.

Itoobiya oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika ayay ku noolyihiin dadka lagu qiyaaso 114 milyan oo qof sidoo kale Itoobiya ayaa lkaga diiwaangeliyay tirada ugu badan ee kiisaska xanuunka Covi19 ee gobolka Bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here