Kooxda Barcelona oo guul weyn ka soo gaartay Granada oo ay booqatay

0
38

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul weyn kala soo laabtay naadiga Granada oo ay booqatay kulan qeyb ka ah horyaalka La Liga, waxaana ay uga soo adkaatay 4-0.

Barcelona oo marti u ahayd Granada ayaa xukumeysay qeybta hore ee ciyaarta, waxaana la kala nastay kooxda reer Catalan oo gacanta sare lahayd.

Antoine Griezmann ayaa goolka hore u daah furay Barca daqiiqaddii 12-aad, goolkaasoo kooxda martida ahayd siiyey inay ciyaarta si xoog leh u xakamayso.

Kabtanka Barcelona oo bandhig qurux badan ku jirata ayaa dhaliyey goolka labaad ee ciyaarta kaddib markii uu dhammaystiran 35’daqiiqo caawin uu ka helay dhaliyaha goolka koowaad ee ciyaarta, Antoine Griezmann.

Inta aan la aadin qeybta nasashada 42’daqiiqo markale Lionel Messi ayaa shabaqa soo taabtay isagoo dhaliyey goolkiisii labaad ee kulankan iyo kii saddexaad ee kooxda Barcelona, sidaas ayaana lagu kala nastay Granada oo lagu hoggaamiyey 3-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Barcelona ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta, waxaana markale shabaqa soo taabtay 63’daqiiqo Antoine Griezmann, kaddib caawin uu ka helay Ousmane Dembele, kaasoo horey u dhaliyey goolka furitaanka ciyaarta, waxaana uu ka dhigay 4-0 looga gacan sarreeyey Granada.

Tababaraha Barcelona ayaa markaas kaddib go’aansaday inuu bedel u taago 65’daqiiqo Lionel Messi, waxaana garoonka ku soo biiray Martin Braithwaite.

Dhammaadkii ciyaarta 78’daqiiqo waxaa kooxda martida loo ahaa kaarka cas ka sii qaatay Jesus Vallejo, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 4-0 ay ku soo adkaatay Barcelona, kaddib markii ay booqatay Granada.

Catalan ayaa sidaas ku soo degtay kaalinta saddexaad ee horyaalka La Liga, waxaana ay leedahay 34-dhibcood 18 kulan oo ay ciyaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here