Turkiga oo Ku Hanweyn Ku Biirista Midowga Yurub

0
15

Baladweyne(Radio Beerlula)-Madaxa Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen ayaa wadahadal ay Khadka internetka kula yeelatay madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan ku tilmaantay mid wanaagsan.

Madaxweyne Erdogan ayaa isaguna sheegay in Ankara oo ku biirto Midowga Yurub ay tahay mid mudnaan gaar ah leh.

Qoraal ay soo dhigtay boggeeda Twitter-ka ayay marwo Ursula ayay ku sheegtay in ay madaxweyne Erdogan isla soo hadal-qaadeen waxyaabihii ka soo baxay kulan madaxeedkii ugu dambeeyay ee Midowga Yurub ee ku aaddanaa hagaajinta xariirka ay la leeyihiin Turkiga.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in ay muhim tahay dib u ambaqaadidda kulan madaxeedyada arrintan la xariira oo ay labada dhinacba dan weyn ugu jirtay.

Madaxweyne Erdogan ayaa si weyn u danaynaya in la cusbooneysiiyo arrimaha la xariira is-dhaafsiga canshuuraha, in muwaadiniinta Turkiga laga cafiyo dal-ku-galka Midowga Yurub iyo in la amabaqaado dadaallada wadaxaajoodka ee Turkiga uu ku doonayo in uu ku biiro Midowga Yurub.

Erdogan ayaa tilmaamay in uu si weyn u danaynayo in bog cusub uu Turkigu la furto Midowga Yurub sanadkan cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here