Shiinaha oo WHO u ogolaaday inay baaraan halka uu kasoo bilowday cudurka Koroona

0
33

Baladweyne(Radio Beerlula)- Saraakiisha Shiinaha waxay sheegeen in khuburro caalami ah oo ka socda ha’yadda caafimaadka Adduunka ay baarayaan halka markii ugu horreysay uu kasoo faracmay cudurka Koroona,

Cudurka Corona waxaa markii ugu horreysay lagu arkay magaalada Wuhan dabayaaqadii sanadkii 2019-kii, kaas oo ku fiday dunida, wuxuu ku dhacay in ka badan 90 malyan 500 kun halka uu dilay 2 malyan oo qof.

Wax badan lagama ogeyn halka uu kasoo faracmay cudurka, shiinaha wuxuu ka careysnaa tuhunka ah in cudurka uu kasoo bilowday halkaas, tallaabadaas oo hakad gelisay dadaallada ka hortagga isla markaana horseeday in dunida uu ku fido.

Shiinaha wuxuu sheegay in arrintaas ay ka dambeysay ‘ is fahan la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here