Horudhac: Manchester City vs Brighton

0
127

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa dooneysa inay sii dheereysato guulaheeda tartammada oo dhan ilaa 7 kulan marka ay caawa garoonkooda Etihad ku soo dhaweynayaan Brighton & Hove Albion kulanka qeyb ka ah horyaalka Premier League.

Labada kooxood ayaa u soo gudbay todobaadkan wareegga afaraad ee FA Cup, iyadoo kooxda Pep Guardiola ay si xarago leh uga soo gudubtay Birmingham City, halka Brighton ay rigoorayaal ku reebtay kooxda heerka labaad ee Newport County.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 09:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Etihad Stadium

Garsooraha: Darren England (England)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here