Masar oo hawadeeda u ogolaaneyso diyaaradaha Qadar

0
41

Baladweyne (Radio Beerlula)-Masar waxay sheegtay in hawadeeda ay u ogolaaneyso inay maraan diyaaradaha Qadar kaddib kulan ay mas’uuliyiinta labadan ay kulan ku yeesheen dalka Sucuudiga si dib loogu soo celiyo xiriirka diblumaasiyadeed.

Madaxa ha’yadda duulista hawada ee Masar Ashraf Nuweir ayaa sheegay in dalkiisa uu si rasmi ah uu xayiraadda uga qaaday duulimaadyada Qadar, sida laga soo xigtay warbaahinta Al Ahram.

Qadar iyo Masar waxasa 5-tii bishan ay wada gaareen heshiis dib loogu soo celinayo xiriirka labada dal.

ilaa iyo hadda Sucuudiga iyo Imaaraatka waxay shaaciyeen inay hawada u fureen duulimaadyada Qadar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here