Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Hiiraan Farxaan Cumar Carte oo u warantay radio beerlula ayaa sheegtay in haweenka gobolka ay la kulmaan tacadiyo ay ka mid yihiin guddniinka fircooniga, iyo kufsiga islamarkana loo baahan yahay in la joojiyo tacadiyada ka dhan ah haweenka gaar ahaan gabdhaha.
Warbixintan waxaa soo jeedineysa Xaawo Aadan Xuseen.