Real Madrid oo xaqiijisay in Tababaraheeda Zinedine Zidane laga helay Korona Fayras

0
55

Baladweyne (Radio Beerlula)-Real Madrid ayaa ku dhawaaqday maanta oo jimco ah, in tababaraheeda reer France ee Zinedine Zidane uu haleelay caabuqa saf mareenka ah ee Korona Fayras.

Real Madrid ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku sheegtay in Zinedine Zidane laga helay Korona Fayras kaddib baaritaankii ugu dambeeyey oo lagu sameeyey.

Arrintan ayaa timid kahor kulanka ay Real Madrid kula ciyaari doonto kooxda Deportivo Alaves bari oo Sabti ah ciyaar qeyb ka ah kulamada Isbuuca 20-aad horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Waxaa xusid mudan in Real Madrid ay ku jirto kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka La Liga iyadoo leh 37 dhibcood, waxayna ka dambeysaa hoggaamiyaasha Atlético Madrid oo leh 44 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here