Juventus oo garoonkeeda Allianz saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Bologna

0
55

Baladweyne (Radio Beerlula)-Juventus ayaa garoonkeeda Allianz saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Bologna, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kal nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Juventus.

Daqiiqadii 15-aad Juventus ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxana 1-0 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Arthur, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay Cristiano Ronaldo.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

71 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Weston McKennie ayaa dheesha kadhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxdiisa Juventus, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Juan Cuadrado.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay Juventus kaga adkaatay kooxda Bologna oo marti ugu aheyd Allianz Stadium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here