Manchester City oo guul soo laabasho ah ka gaartay kooxda Cheltenham Town

0
47

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester City ayaa kaga soo adkaatay  kooxda heerka afaraad ee Cheltenham Town oo ay ku booqatay garoonkeeda Jonny-Rocks 1-3, ciyaar ka tirsaneyd kulammada wareegga afaraad ee tartanka FA Cup-ka.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Cheltenham Town iyo Manchester City ku kala mareen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 59-aad kooxda kubadda cagta Cheltenham Town ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay xiddigooda Alfie May, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis George Lloyd.

81 daqiiqo marka ay ciyaartu aheyd kooxda Manchester City ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay dheesha Phil Foden, kaddib markii uu caawinta goolkan uu ka helay Joao Cancelo.

Daqiiqadii 84-aad Manchester City ayaa la wareegtay hoggaanka ciyaarta kaddib markii uu 1-2 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Gabriel Jesus, waxaana ka caawiyay goolkan Fernandinho.

90 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Manchester City ayaa sii dheereysatay hoggaaminta dheesha kaddib markii uu 1-3 ka dhigay Ferran Torres oo caawin ka helay saaxiibkiis Ilkay Gundogan.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-3 oo ay Manchester City kaga soo adkaatay Cheltenham Town oo ay ku booqatay garoonkeeda Jonny-Rocks, sky blue ayaana sidaas ugu gudubtay wareega xiga ee tartanka FA Cup-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here